Xisbiga Garabka Bidix (Vasemmistoliitto) waa xisbi siyaasadeed hadafkiisu yahay caddaalad, sinnaan iyo dabiiciga deegaanka Finland iyo adduunka oo waara.
Waxaan ka soo horjeednaa cunsuriyadda iyo nooc kasta oo takoor ah. Waxaanu aaminsannahay in dhaqamada, diimaha iyo aragtida kaladuwani ay si wadajir ah oo nabada ah u wada noolaan karaan.
Hadafkeenu waa in qof kasta oo bulshada ka mid ah lagu ogolaadaa sida uu yahay iyo in ladamaanad qaado in qof kasta uu ku noolaado sinnaan, xoriyad, iyo caddaalad, waajibaad iyo in aan fursadda qofka loo fiirin diinta, asalka qowmiyadda, xoolaha ama hantida, jinsiga, aragtida, da`da, xaaladda caafimaadka ama naafo,ama astaamo kale.
Dadkoo dhan waxa ay xaq uleeyihiin nolol malmeedkooda
Dhammaan dadka deggan Finland waa in la xaqiijistaa in ay helaan daqli kufilan nolol maammeedkooda, iyo goob shaqo badbaado leh. Arintan waxa ay quseysaa shaqaalaha joogtada ah, iyo shaqaalaha shaqeeya waqtiyada qaar, ganacsatada yer yar, iyo qofka isga is shaqaaleysiiyo.
Xisbiga garabka bidix (Vasemmistoliitto) waxa uu doonayaa in uu sooceliyo qiimaha shaqada daacadda ah. hadda waxaa jira maalqabeeno ka leex leexda waajibaadka ka saaran bulshada, taas oo ah inay ka leex leexdaan bixinta canshuurta iyo sharcigaba, taasoo ah in ay iskudayaan inay yareeyaan xuquuqda qofka shaqaalaha ah, iyo in loosameeyo sharciyo adag ganacsatada yar yar.
Waa in laxaqiijistaa in ay helaan nolol maalmeedkooda dad ka dibadda shaqo qabashada sida, ardayda, dadka hoolgabka ah, qofka guriga ku haya ehelkiis, dadka xannuunsan, iyo dadka shaqa la`aanta ah. Arintan darteed ayaan waxaan doonaynaa in aan hirgelino hab qaabeed sahlan oo qof walba oo bulshada katirsan uu u helo daqli ku filan nolol maalmeedkiisa. Dadka soogala daqli badan ee aan u baahneyn daqliga aasaasiga ah, waa in laga xanshuur ahaan looga qaadaa.
Qof walba waa in uu helo adeeg ku filan – si xaq ahna loo canshuuro
Qof walba oo deggan Finland waxa uu xaq uleeyahay in uu helo waxbarasho tayo leh, daryeel caafimaad, adeegga dadka waayeelka ah iyo dadka dhiman, iyo adeeg dhaqameed. Si loo sugo helista adeegyadan waxaa loobaahayn yahay in bulshada laga helo canshuu.
Canshuurta saxda ah waxa ay ku xiran tahay daqliga soogala. Xisbiga garabka bidix (Vasemmistoliitto) waxa ay raacsan tahay in canshuurta laga dhigo mid kala darajo ah, taas oo ah in dadka soogalaan daqliga badan ay bixiyaan canshuur kabadan dadka soogalaan daqliga yar. Dadkoodhanna laga qaado canshuur aan toos ahayn, alaabtooda iyo adeegyada canshuurta lasocoto, taas oo aan ahayn mid caddaalad ah, sida canshuurta lagu qoondeeyey kala saraynta daqliga soogala qofka.
Xisbiga garabka bidix (Vasemmistoliitto) waxa uu raacsan yahay nooca canshuurta ah in dhammaan daqliga qofka soogala iskusi loo canshuuro. Hadda canshuurta jirta saamiga (faaiidada), iyo hantida qofka waa uu ka canshuur yaryahay mushaarka ama lacagta hoolgabka canshuurteeda. Waxaanu dooneynaa in qofka haddii uu sheerkiisa gado ama iibiyo in uu canshuur kabixiyo sida ganacsiga dukaamaha oo kale.
Mas`uuliyadda caalamiga
Isla mar ahaanta aanu dooneyno in bulshada Finland loo simo cadaaladda, haddana waa in aynu waajib iska saarnaa caalamka. Waa in lajoojiyaa burburinta degaanka iyo burburinta hkjeyraadka dabiiciga ah. Cimilada sii kululaaneysa waxa ay halis kutahay hab noolaanshaha dadka qaybo kaladuwan oo caalamka kamid ah. Xisbiga garabka bidix (Vasemmistoliitto) waxa uu raacsan yahay in la yareeyo wasaqaynta hawada la wasaqaynayo taas oo xilliyadan dambe sii korodhay.
Anaga fikrad ahaan waxa ay nalatahay in ganacsiga aduunka loo helo sharciyo kuwaas oo badbaadinaya degaanka dabiiciga ah iyo dadkaba. Sinnaan la`aanta iyo sidii looga bixi lahaa faqiirnimada waxa ay ku xirantahay go`aanka siyaasiinta.
Go`aamo badan oo Finland quseeya ayaa lagu go`aamiyaa Uruka midowga Yurub. Sidaa darteed waa in ay Filand firfrcooni kuyeelataa go`aamada lagu gaarayo Ururka midowga Yurub. Waa muhiim in sugo in lahelo canshuurqaadis caddaalad ah, xaalad shao oo wanaagsan, iyo shuruudaha ilaalinta degaanka dabiiciga ah dhammaan wadamada misowga Yurub.
Waxaan rajaynaynaa in dhammaan Yurub oo dhan, laga ogalaado dhaqamada iyo diimaha kaladuwan. Waxaan wadnaa nabad iyo in Finland ay bannaanka katahay dhammaan is gaashaanbuureysiga militari. Finland gudeheeda in aan looga duulin ama loogala dagaalamin waddan kale. Xisbiga garabka bidix (Vasemmistoliitto) waxa uu si joogta ah ooga soohorjeedaa faragelinta iyo awood sheegashada siyaasadda dibadda ee wadamada xoogan ama waaweyn.
Aragtida mustaqbalkeena
Xisbiga garabka bidix (Vasemmistoliitto) waxa ay u arkaan mustaqbalka bulshada iyo caalamka oodhan in uu yahay mustaqbal casaan iyo cagaar ah -fiiri dukumentiyadan ku qoran luuqadaha (finishka iyo ingiriisiga) [http://www.vasemmisto.fi/politiikka/ohjelmat/punavihrea-tulevaisuus/]
Hadafkeena mustaqbalka waa in barwaaqada loogu qaybiyaa bulshada si caddaalad ku dhisan, in dhammaan dadkoo dhan ay helaan daqli kufilan nolol maalmeedkooda, habka nolosheenana aysan ciribtireynin adkeysiga deegaanka dabiiciga ah, qofwalbana uu sida uu u awoodo u hirgeliyo sinnaanta iyo caddaaladda bulshada iyo go`aamada adeegga bulshada, habka shaqo qabashada iyo dhaqaalaha waa in si furan loogala hadlaa dadka ay quseyso.
Kaalay oo ka qayb qaado!
Haddii aad dooneysid in aad heshid warbixin dheeraad ah oo ku saabsan Xisbiga garabka bidix (Vasemmistoliitto) ama aad dooneysid in aad ka qayb qaadato wax qabadkeena, nagala sooxariir: [https://tampere.vas.fi/yhteystiedot2/]. Xubin waxaad ooga noqonkartaa in aad buuxbuuxiso foomka kamid noqoshada [http://www.vasemmisto.fi/tule-mukaan/liity-jaseneksi/].
Halkan hoose waxaad ka heleysaa macluumaad wax tar uleh dadka ajaanibta ah:
http://www.infopankki.fi/so/bogga-hore